SHARCIYADA HEY’ADA MADAXABANAAN EE DIFAACAHA XUQUUQDA            AADANAHA PUNTLAND

Hey’ada Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa hey’ad dawli ah oo madaxbanaan lehna xasaanad dastuuri ah iyo qaanuun u gaar ah hagideeda.

  1. Dastuurka: Sharciyada iyo Aasaaska Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxay sharciyadadeeda ku qotontaa Dastuurka Puntland xubinta 4aad, qodobada 116aad, 117aad, 118aad, 119aad waxayna u qoronyihiin sidatan:

Qodobka 116aad:     Xafiiska Difaacaha iyo Taabbagelinta Xuquuqda Aadanaha (Qeexid)

Qodobka 117aad:     Magacaabidda Difaacaha

Qodobka 118aad:     Awoodaha iyo Xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Qod obka 119aad:    Xil Ka Qaadista Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

 

Xubinta Afaraad DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA

Qodobka 116aad XAFIISKA DIFAACAHA IYO TAABBAGELINTA XUQUUQDA AADANAHA

  1. Xafiiska Difaacaha iyo Taabbagelinta xuquuqda aadanuhu wuxuu ka kooban yahay:

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

  1. Wakiillada gobollada ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.
  2. Hawlwadeennada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

 

  1. Xarunta Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanahu waa caasimadda Puntland.
  2. Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu leeyahay awood xilgudasho oo heer Puntland ah.

Qodobka 117aad MAGACAABIDDA DIFAACAHA

  1. Golaha Xukuumadda ayaa soo gudbinaya liiska musharaxiinta u tartamaya jagada difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Golaha Wakiilladuna waxay ku dooranayaan habka Doorashada Golaha Wakiillada.
  2. Qofka loo dooranayo Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa inuu buuxiyo shurrudaha soo socda:

b.Waa inuu yahay Muslim ahna muwaadin Puntland ah.

  1. Waa inayn da’diisu ka yarayan afartan (40) sano.
  2. Waa inuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta Xuquuqda Aadanaha.
  3. Waa inuu leeyahay anshax wanaagsan, dhowrsoonaan iyo karti xil-gudasho.
  4. Muddada xilhaynta Difaacaha Xuquuqda Aadanahu waa shan sano dibna waa loo soo dooran karaa.

Qodobka 118aad AWOODAHA IYO XILALKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA

Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu waa:

  1. Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay’adaha waddaniga oo ay arrintu khuseyso.
  2. Ku wacyi galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.
  3. Inuu daafaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.
  4. Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, uuna gaarsiiyo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad qaadka xuquuqda aadanaha.
  5. Inuu taageero dadka lagu sameeyo xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamadda horteeda ama si guud.
  6. Magacaabidda guddiyo gaar ah oo gacan ka siiya gudashada xilkiisa.
  7. Kormeeridda goob kasta oo lagu sameeyo ama la tuhunsan yahay in lagu gabood-falo Xuquuqda Aadanaha.
  8. U ololaynta dib u habeynta sharciyada iyo hab-dhaqanka maamulka si kor loogu qaado dhawrista iyo qaddarinta Xuquuqda Aadanaha.
  9. Soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.
  10. U bandhigidda Golaha Xukuumadda talooyinka ku aaddan mashruuc sharci oo khuseeya Xuquuqda Aadanaha.
  11. Gudashada xilalka kale ee sharciyada Puntland siiyaan xafiiskaas.

Qodobka 119aad XIL KA QAADISTA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waxaa xilka lagaga qaadi karaa codbixin saddex meelood labo (2/3) xubnaha Golaha Wakiillada marka ay sugnaato mid ka mid ah sababaha ku cad qodobka 98-aad ee Dastuurka.

 

 

  1. Xeerka Hagaaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa shaqadiisa haga xeer u gaar ah:

Magaca:                                                                       Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Sharci Lambar:                                                           11

Taariikhda la ansixiyey:                                          26/11/2011

Madaxweynuhu saxiixay:                                     06/12/2011

Qodobada xeerku ka kooban yahay:                               21 qodob

Qodobka 11–aad

Ujeedada Xafiiska Difaacaha

  1. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha iyo Wakiiladiisa Gobollada, waxaa loo dhisay dhowrista xaquuqda aadanaha.
  2. Ilaalinta Xaquuqda Muwaadiniinta.
  3. Xafiiska xuquuqda iyo taaba gelinta xuquuqda aadanaha waxaa lagu maamulayaa dhammaan hawlaha la xiriira gafka/gafafka, gaboodfalada iyo tacadiyada laga galo xuquuqda aadanaha.
  4. Ilaalinta xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka sida ku cad shareecada islaamka iyo dastuurka Puntland.
  5. Xafiiska xuquuqda aadanaha wuxuu dhawraa, ilaaliyaa, difaacaana xadgudubyada xorriyaadka iyo xuquuqda aadanaha.
  6. Wuxuu ka jawaabaa cabashooyinka muwaadiniintu u soo gudbiyaan.
  7. Wuxuu baaritaana ku sameeyaa cabashooyinka, natiijada baaristana wuxuu u gudbinayaa hay’adaha ay khusayso, iyadoo natiijada warbixinta iyo xalkeedaba loo marayo hay’adaha Dawladda sida ay u kala sarreeyaan.

 

Qodobka 12-aad (article 12 of law no. 11 of human rights defender)

Awoodaha iyo Xilalka Xafiiska Difaacaha (powers and roles of the defenders office)

Awoodda iyo Xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa: (Power)

  1. Ka hortegidda xadgudubyada xuquuqda aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay’adaha waddaniga ah oo ay arrintu khusayso.
  2. Ku wacyigelinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhiimada ay leedahay dhawrista xuquuqda aadanaha ee ku cad Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Puntland, isla markaana waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
  3. Inuu difaaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexeen.
  4. Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada bulshadu ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, uuna gaarsiiyaa hay’adaha dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta dammaanad qaadka aadanaha.
  5. Inuu taageero dadka lagu sameeyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamada horteeda ama si guud.
  6. Kormeerka goob kasta oo lagu sameeyo ama lagu tuhunsan yahay in lagu gabood falo xuquuqda aadanaha.
  7. Soo saarista warbixin sannadeed la xiriirta xaaladda xuquuqda aadanaha ee Puntland.
  8. Difaacaha iyo wakiilladiisu waxay waydiimo ku samayn karaan cid-kasta oo xiriir la leh arrin baaritaankeeda xafiisku gacanta ku hayo.
  9. Difaacaha iyo wakiilladiisu markay waajibaadkooda gudanayaan waxaa ay leeyihiin awoodaha baaritaan ee xaqiiqo raadis, waxayna u gudbinayaan natiijada baarista hay’adaha ay khusayso.
  10. Difaacaha iyo wakiilladiisu waxay awood u leeyihiin inay baaraan xad-gudubyada aadanaha ee ka yimaada been abuurasho dano gaar ah laga leeyahay ee ku xad-gudubka xuquuqda muwaadiniinta.
  11. Ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee ku xusan Dastuurka Dawlada Puntland.

 

 

 

  • Dastuurka iyo Xuquuqda Aadanaha

 

Dastuurka Puntland ee golaha wakiiladu ansixiyeen June 2009 waxaa ku xusan 34 qodob oo kala ah 12aad ilaa 45aad, waxayna qeexayaan xuquuqda dastuuriga ah ee dadku leeyihiin.

 

Xuquuqda Aasaasiga Ah iyo Damaanad-qaadka Qofka waxay ka kooban tahay xuquuqda shakhsiga iyo laalideeda iyo xuquuqda bulshada. Sidoo kale waxaa kaloo ku xusan dastuurka qodobo qeexaya xuquuqda siyaasada ee muwaadinka iyo waajibaadkiisa.

 

Madaxa II XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO DAMMAANAD-QAADKA QOFKA

Qaybta 1aad XUQUUQDA SHAKHSIGA IYO LAALIDEEDA

Xubinta Koowaad XUQUUQDA SHAKHSIGA

Qodobka 12aad SINNAANTA DADKA

  1. Dhammaan dadku waa u siman yahay Sharciga hortiisa.
  2. Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiyadda, hantida, fikradda uu aaminsan yahay, siyaasadda, afka iyo isirka.
  3. Dastuurka ayaa dammaanad qaadaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Qodobka 13aad XORRIYADDA CAQIIDADA

  1. Qofka muslimka ahi caqiidadiisa kama noqon karo
  2. Qofka aan muslimka ahayni xor ayuu u yahay Caqiidadiisa, lagumana khasbi karo mid kale.

Qodobka 14aad XORRIYADDA FIKIRKA

  1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay.
  2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

Qodobka 15aad AASAASIDDA IYO KA MID NOQOSHADA URURADA BULSHADA

  1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu aasaaso, ka mid noqdo ama ka qayb qaato hawlaha ururada dhaqan-dhaqaale, bulsho, Isboorti iyo cilmi, haddaan sharci ka reebin.
  2. Aasaasidda ururadu waa inay waafaqsan yihiin qaanuunka dalka iyo danaha ummadda Puntland.
  3. Waxaa reebban ururada leh dabeecad qabiil ama ciidan.

Qodobka 16aad XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA

  1. Qof kasta waxa uu u madaxbannaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu rabo iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.
  2. Sharci iyo xeer-hoosaadyo u gaara ayaa caddeyn doona xadaynta xaqa dhaq- dhaqaaqa.

Qodobka 17aad LAHAANSHAHA HANTIYEED

  1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, u maamusho, ugana faa’iideysto si sharciga waafaqsan.
  2. Sharciga ayaa qeexaya duruufaha iyo habraaca lagu xaddidi karo xaqa shakhsiga ee la xiriira hantidiisa.
  3. Xorriyadda wax soo saarku way bannaan tahay, waxaase shardi u ah in wax soo saarayaashu ay oofiyaan shuruudaha sharci iyo maamul ee dalka u degsan.
  4. Qofna lagama qaadi karo khidmad/kharash, hantidiisana lalama wareegi karo iyadoo aan loo cuskan sababo sharciga waafaqsan.

Qodobka 18aad NOLOSHA QOFKA IYO NABADGELYEYNTA JIRKIISA

  1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyey xukun maxkamadeed oo kama dambays ah.
  2. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay nabadgelyada jirkiisa iyo sharaftiisa.
  3. Waxaa reebban denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka, sida xasuuq, jirdil, xarig iyo dil aan sharciga waafaqsanayn.

Qodobka 19aad MADAXBANNAANIDA QOFKA

  1. Qofna madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo, xannibaad kasta oo lagu sameeyana waa inay sharciga ku caddahay.
  2. Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku way reebban yihiin.
  3. Madaxbannaanida qofka waxaa shardi u ah in aaney ka hor imanayn Shareecada Islaamka, xeerarka, anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.

Qodobka 20aad MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSANEYAASHA/DENBIILAYAASHA

  1. Qofka shisheeyaha ah oo weydiista Dawladda Puntland magangelyo siyaasadeed waa la siin karaa, haddii uu buuxiyo shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada caalamiga ee aan ka hor imaanayn shareecada islaamka.
  2. Waxaa reebban in muwaaddin Puntland ah, ama qof soomaali ah oo puntland ku nool loo gacan geliyo dal kale.
  3. Puntland way u gacangelin kartaa dalkii uu ka soo baxsaday denbiile ama eedaysane shisheeye ah haddii uu jiro heshiis isu-celin oo u dhexeeya Puntland iyo dalka weydiistay celintiisa/celinteeda.
  4. Qofna looma dhiibi karo arrimo siyaasadeed awgood.

Qodobka 21aad AMMAANKA HOYGA

  1. Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda.
  2. Ma bannaana baaridda, basaasidda iyo gelidda hoyga amar Garsoore oo sababaysan la’aantiis, haddii aanu gelin hoyga qof dembiile ah oo boolisku ku raad-joogo ama aanu isla wakhtigaas fal-dembiyeed ka dhacayn hoyga dhexdiisa.
  3. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degganaha amarka Garsooraha inta aan lagu dhaqaaqin baarista, baarahana waxaa ka reebban ku xad-gudubka sharciga.

Qodobka 22aad XAQA SAXAAFADDA

  1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.
  2. Xeer gaar ah ayaa xadidaya xorriyadda saxaafadda.

Qodobka 23aad XORRIYADDA ISGAARSIINTA

Qofna lama faragelin karo waraaqihiisa boostada, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo qoraalladiisa gaarka ah, marka laga reebo xaaladaha sharcigu banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda, ama dhegaysigooda. Marka taas lagu tallaabsanayo waa inuu jiraa amar garsoore oo sababaysan.

Qodobka24aad BANNAANBAXYADA

  1. Muwaadin kasta oo Puntlandar ah waxa uu xor u yahay in uu abaabulo, ka qaybqaato bannaanbaxyo ku salaysan hab nabadgelyo, si xeerka waafaqsan.
  2. Bannaanbaxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, caafimaadka, anshaxa, amniga iyo xasilloonida dalka.

Qodobka 25aad XAQA DACWADDA IYO ISDIFAACA

  1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad Xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh.
  2. Qof kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu iska difaaco maxkamdda horteeda.
  3. Qof kasta oo aan iska difaaci karin maxkamadda horteeda, ama aan karin inuu qareen qabsado, dawladda ayay waajib ku tahay in ay u qabato qareen difaaca.
  4. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya sida uu caddaalad ku helayo qofkii aan awoodin bixinta ajuurada maxkamadaha.

Qodobka 26aad DEMBIGA IYO CIQAABTA

  1. Ciqaabta dembi waxay ku koobnaanaysaa qofka geystay fal-dembiyeedka.
  2. Qofna looma qaban karo, xiri karo, loomana ciqaabi karo fal markii uu galay aan dembi ku ahayn sharciga.
  3. Ciqaab aan maxkamadi go’aamin cidna laguma fulin karo.

Qodobka 27aad XUQUUQDA EEDAYSANAHA

  1. Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si Xeerka waafaqsan maxkamadi ugu xukunto gelid denbi.
  2. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in la dhawro nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.
  3. Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan Xeerku bannayn.
  4. Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood lagu hor-geeyo maxkamad.
  5. Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu akhrido uguna macnayso dembiga lagu soo oogey.
  6. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.
  7. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado.
  8. Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.

Qodobka 28aad XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN

  1. Qofka ay maxkamadi xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay ilaalinta nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.
  2. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa.
  3. Qofka maxbuuska ahi waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cunto iyo waxbarasho.
  4. Qofka maxbuuska ah waxaa lagu dhaqayaa xuquuqda caalamiga ah ee maxaabiista.
  5. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu Rafcaan ka qaato xukunkii maxkamaddu ku ridday.

Xubinta Labaad LAALIDDA XORRIYADAHA MADANIGA AH

Qodobka 29aad XAALADAHA DEGDEGGA AH

  1. Haddii ay dalka ka dhacaan dagaallo,weerar lagu soo qaado,gadood, masiibooyin dabiici ah, cudurro faafa iyo xasilloonida dalka oo qalalaaso ku dhaco dammaanadaha ku cad qodobbada,14,16,21,22,23 iyo 24 si ku meel gaar ah waa loo laali karaa. Laalidda xuquuqda ku xusan qodobka 24 laguma dabbaqi karo kulamada iyo bannaanbaxyada diimeed,dhaqan iyo isboorti.
  2. Xaaladda degdegga ah waxaa lagu soo rogi karaa dalka oo dhan ama qaybo ka mid ah.
  3. Golaha Xukuumadda oo keli ah ayaa soo rogi kara xaalad degdeg ah.
  4. Xaaladda degdegga ah kama ay badan karto 30 beri, haddiise ay weli taagan yihiin xaalaadihii khasbay Golaha Wakiillada oo keli ah ayaa cusboonaynsiin kara muddo aan 30 beri ka badnayn.
  5. Haddii ay suulaan duruufihii kalifay xaaladda degdegga ah ama aan Golaha Wakiilladu cusboonaysiin taagnaanmayso.

Qaybta Labaad XUQUUQDA BULSHADA

Xubinta 1aad QOYSKA

Qodobka 30aad XUQUUQDA QOYSKA

Qoysku waa aasaaska bulshada, oo ka bilowda nin iyo haweenay qaan gaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday iyo carruurtooda, sharciga ayaana dammaanad qaadaya sugnaantiisa.

Qodobka 31aad XUQUUQDA CARRUURTA

  1. Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta oo toban iyo shan sano (15) ka yar.
  2. Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad, korriimo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad.
  3. Waxaa reebban shaqada wax u dhimaysa carruurta noloshooda, caqiidadooda, dhaqankooda, korriimadooda iyo waxbarashadooda.
  4. Waxaa reebban in la soo rido ilmaha caloosha hooyada ku jira, haddii aanay jirin xaalad adag oo hooyada nolosheeda khatar gelineysa, uuna caddeeyo dhakhtar aqoonteeda leh.

Qodobka 32aad WAXBARASHADA

  1. Qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu waxbarasho helo.
  2. Horumarinta iyo baahinta waxbarashadu waa waajib saaran Dawladda.
  3. Dawladda ayaa u xilsaaran ciribtirka akhris/qoris la’aanta.
  4. Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurtu waa khasab, Dawladda ayaana u xilsaaran helitaanka agabka iyo hawlwadeennada waxbarashada. Marka ay duruuftu saamaxdo, dawladdu waxa ay kor u qaadeysaa heerka waxbarashada khasabka ah.
  5. Dawladdu waxay dhiirrigelineysaa isla maarkaasna tayeyneysaa waxbarashada diineed ee dugsiyada Qur’aanka.
  6. Waa mas’uuliyadda Dawladda diyaarinta, tayeynta iyo hubinta ku dhaqanka manhaj midaysan ee heerarka dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.
  7. Barashada iyo tarbiyadda diinta Islaamku waa dariiqad aasaasi ah, dhammaan heerarka waxbarashada hoose, dhexe iyo sare.
  8. Qofka qaangaarka ahi waa u madaxbannaan yahay doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed, Dawladdana waxaa waajib ku ah dhiirrigelinta waxbarashada dadka waaweyn iyo tan haweenka.
  9. Waxaa la furan karaa dugsiyo waxbarasho, kuwo xirfadeed iyo jaamacado gaar ah oo waafaqsan manhajka Dawladda, kuna salaysan baahida iyo siyaasadda waxbarashada dalka.
  10. Dawladda xil ayaa ka saaran horumarinta hiddaha iyo dhaqanka.
  11. Dawladda waxaa waajib ku ah in ay taabbageliso tacliinta sare.
  12. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya waxbarashada gaarka ah.

Qodobka 33aad CAAFIMAADKA

  1. Waa mas’uuliyadda Dawladda in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha, ka hortag iyo daaweynba, gaar ahaan carruurta iyo haweenka.
  2. Si loo fuliyo waajibaadkaas, Xukuumaddu waxay dajineysaa nidaam caafimaad ee waddani ah.
  3. Dawladdu Puntland waxay ogoshahay adeegga caafimaad ee gaarka ah, furashada rugo caafimaad iyo cusbitaalo. Adeegyada gaarka ah ee caafimaadka waxaa nidaaminaya xeerka, waxaana kormeeraya Xukuumadda.

Qodobka 34aad AGOOMAHA, CURYAAMADA, GARAAD-DHIMANKA IYO DADKA GABOOBEY

  1. Agoonta, curyaamiinta, garaad-dhimanka,dadka gaboobey iyo qof kasta oo aan is daryeeli karin, cid daryeeshaana aanay jirin, dawladda ayay waajib ku tahay in ay daryeesho.
  2. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa, samaysaana hay’ado gargaara iyo xarumo lagu xannaaneeyo dadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
  3. Xeer gaar ah ayaa qeexaya dadka loo aqoonsanayo in aaney isdaryeeli karin.

Qodobka 35aad XUQUUQDA HAWEENKA

Dawladda waxaa waajib ku ah horumarinta iyo dammaanad qaadka xuquuqda haweenka. si waafaqsan diinta Islaamka.Haweenku waxay xuquuda kala siman yihiin ragga, marka laga reebo wixii ILAAH u kala gaar yeelay.

Qodobka 36aad XUQUUQDA DHALLINYARADA IYO HORUMARINTA ISBOORTIGA

  1. Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa daryeelka, barbaarinta, horumarinta dhalinyarada iyo isboortiga.
  2. Dhismaha ururo dhallinyaro, daryeelka dhallinyarada iyo horumarintooda waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah.

Qodobka 37aad XUQUUQDA SHAQAALAHA

  1. Dawladdu waxay u xil saaran tahay shaqo-abuurista iyo tayeynta tababarrada shaqaalaha.
  2. Waxaa reebban shaqo khasab ah, haddii aan qaanuunku si kale u tilmaamin.
  3. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay mushahar u dhigma shaqada uu qabto.
  4. Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa ciidaha ee qaanuunku jideeyay. Haweenka waxaa intaas u dheer fasaxyada dhalmada iyo naas-nuujinta. Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska dhimi mayaan xuquuqdooda mushaar.
  5. Dawladdu waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba.
  6. Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin si xeerka waafaqsan. Ciidammada qalabka sida shaqa joojin ma samayn karaan.
  7. Shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaashuba waxay xaq u leeyihiin iney yeeshaan ururro maareeya una dooda danahooda.
  8. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada iyo loo shaqeeyaha uu doorbido.
  9. Dhismaha, doorka iyo waajibaadka ururrada shaqaalaha waxaa lagu qeexi doonaa xeer gaar ah.

Qodobka 38aad BADBAADADA SHAQAALAHA

  1. Dawladda ayaa dejinaysa sharciga shaqaalaha isla markaana samaynaysa hay’adaha dammaanad qaadaya xaqa hawlgabka shaqalaha gaarka ah iyo kan dawladdaba.
  2. Qof kasta oo xil u haya dawladda oo ku dhaawacma, ku jirrada ama ku naafooba shaqada, waxa uu xaq u leeyahay daryeel qaanuunka waafaqsan.
  3. Qof kasta oo Dawladda u shaqeeya oo ku geeriyooda hawlgal, waxaa laga bixiniyaa magdhow sharciga waafaqsan.
  4. Xukuumaddu waxay shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ahba u dejineysaa hab dammanad-qaad shaqaale oo ay maalgeliyaan dawladda, loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhuba.

Qodobka 39aad MUWAADINNIMADA

  1. Qof kasta oo u dhashay Puntland ama ku kasbaday Puntlandnimada qaab sharci ah waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin Puntlandar ah.
  2. Muwaadinka Puntlandarka ah lumen maayo muwaadinnimadiisa, haddii uu qaato jinsiyad dal kale.

Qodobka 40aad WAAJIBAADKA MUWAADINKA

  1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah:
  2. Dhawridda diinta Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ee aan ka hor imaanayn sharciga.
  3. Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Puntland.
  4. Codbixinta xilliyada doorashooyinka.
  5. Bixinta canshuuraha ku waajibay.

kh.)Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo gudboonaato. 2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la’aanta waajibaadka ku xusan qodobkan.

Qodobka 41aad XUQUUQDA MUWAADINKA

Muwaadin kasta oo da’adiisu gaartay siddeed iyo toban (18) sano, wuxuu xaq u leeyahay:

  1. Inuu ka qayb-galo hawlaha doorashooyinka iyo inuu cod bixiyo.
  2. Inuu sameeyo ama ku biiro urur ama xisbi siyaasadeed.
  3. In uu xilliyada doorashada u tartamo xilalka dalka, haddii uu shuruudaha buuxiyo.

Qodobka 42aad XAQA BANDHIGIDDA CABASHADA

  1. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu cabashadiisa qoraal ugu diro Madaxweynaha, Baarlamaanka, Xukuumadda, iyo madaxda kale ee dawladda.
  2. Xafiiska uu qoraalka cabashadu u socdo waa inuu ka jawaabo (30) beri gudahood.

Qodobka 43aad HAKINTA XUQUUQDA SIYAASADEED IYO XIL-QABASHO EE MUWAADINKA

Xuquuqda muwaadinka waa la hakin kara haddii ay dhacdo: In qofka maxkamadi ku rido xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo ah noocyada lagu lumiyo xuquuqda siyaasadeed iyo xil qabasho ee ku cad xeerka ciqaabta. In qofku yahay garaad-dhimman, ama Maxkamadi caddayso inaanu gudan karin xilkiisa.

Qodobka 44aad DOORASHOOYINKA

  1. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u leeyahay inuu wax dooran karo lana dooran karo.
  2. Xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa mansabyada dadweynuhu tooska u dooranayaan.
  3. U codaynta mansabyadaas waa inay u dhacdaa si caddalad iyo xor ah oo waafaqsan nidaam sharci ah oo ay maamulayso hay’ad madaxbannaan oo leh awood Dastuuri ah.
  4. Codbixintu waxay noqonaysaa mid caam ah, dadku u simanyahay, shakhsi ah, qarsoodi ah, waxaana reebban in qof lagu farageliyo doorashada meesha uu codka marinayo.
  5. Sharciga ayaa xadidaya aagagga doorashooyinka ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka. Tirada kuraasta uu gobol ku yeelanayo Golaha wakiillada iyo xubnaha golayaasha degmooyinka waxay ku xirnaanaysaa hadba inta uu le’eg yahay dadweynaha ku nool gobolka ama degmada.
  6. Taariikhda ay qabsoomeyso doorashadu waxaa goynaya Guddiga doorashada, waase in aaney noqon laba bilood ka yar ama afar bilood ka badan dhammaadka muddada golayaasha wakiillada iyo deegaanka markaas xilka haya.
  7. Inta aan la gudo gelin doorashooyinka waa inuu jiro sharci gaar ah oo lagu hagayo arrin kasta oo la xariirta doorashada.

Qodobka 45aad DADKA AAN IS- SHARRIXI KARIN

  1. Dadka ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka ahayan iyo garsoorayaashu, xubin kama noqon karaan xisbiyada siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka.
  2. Hawlwadeennada dawladda isma sharrixi karaan, haddii aanay iska casilin xilalka ay hayaan. Sharciga doorashada ayaa sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inay is casilaan, haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka qaybgalaan.