Garowe –Xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa Afartan haween ah oo ka socday xaafadaha, ururada bulshada rayidka ah iyo jaamacadaha wuxuu magaalada ugu qabtay aqoon is-weydaarsi maalin ah oo xoogga lagu saaray bedqabka gabdhaha.

Tababarayaal ka tirsan xafiiska difaacaha ayaa haweenka siiyay casharo iyo khibrado ku aadan horumarinta bedqabka suxufiyiinta, waxaana xafiisku xoogga saaray tacadiyadii ugu dambeeyay ee dhacay.

Kulanka waxaa dood isku weydaarsaday ka qayb-galayaasha iyo tababarayaasha.

Haweenku waxay ku taliyeen; in gabdhaha loo diyaariyo in ay koox koox isu raacaan ama ay inta badan wehel yeeshaan, in waalidiintu ay ilmahooda fursad u siiyaan in ay dhegaystaan oo ay abuuraan jawi xog kala qaadasho nabdoon oo labada dhinac dhex marta.

Haweenku waxay soo jeediyeen in wacyi-gelin ku aadan bedqabka iyo nabadgelinta gabdhaha in la siiyo dhalinyarada yar yar ee ay inta badan ka dhacaan falalka kufsiga iyo tacadiyada kaleba.  Waxaa kaloo kulanka laga soo jeediyey in qorshaha lagu darsado in la helo meelo haweenka lagu baro sidii ay isu difaaci lahaayeen.

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *