Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa xaruntiisa Garowe ku qabtay kulan ay ka wada-qayb galeen Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Maxamuud Xasan Aw-cismaan, Taliyaha Hoggaanka Dembi-baarista Booliska Gen. Ibraahim Cali Xasan, Agaasimaha Hay’adda Foorensig Sayniska Cabdirashid Maxamed Shire iyo Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali. Mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada xafiisyadooda ayaa ka baaraan degay:

  1. Sidii loo hubin lahaa in ay caddaalad helaan dhibanayaasha iyo eedaysanayaasha kiisaska la xiriira xuquuqda aadanaha.
  2. In hay’ad kasta ay dawrkeeda ka qaadato sarraynta iyo u sinnaanta sharciga
  3. In la dhawro xogta dhibanaha iyo eedaysanaha oo aan saxaafadda lagu shaacin
  4. Iyo ugu dambayn in kiisaska sida ugu dhaqsiyaha badan ay u helaan garsoor caddaali ah.

Kulankan ayaa ahaa shirka saggaalaad guddiga daneeyayaasha xuquuqda Aadanaha Puntland oo ay wada guddoomiyaan Xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha, wasaaradda caddaaladda iyo wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *