Isniin 21 Janaayo, 2019, Baarlamanka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in Xildhibaanad Nimco Cabdi Caarshe oo ah gabadha keliya ee ku jirta golaha in ay ka mid noqoto 10ka xubnood ee gudiga joogta ah ee baarlamanku iska dhex doortaan. Arrintaas waxaa aad u soo dhoweeyay Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali.

Gudiga joogtada ah ee baarlamanka ayaa ka kooban 13 xubnood oo kala ah Saddex xubnood oo gudoonka ah iyo 10 xubnood oo ay goboladu iska soo dhex doortaan.

Xildhibaanad Nimco Caarshe ayaa dadaal badan u gashay ka mid noqoshada gudiga. Waxay tartan adag kala kulantay xubin rag ah oo ay isku gobol yihiin, in kastoo ugu dambayntii ay Nimco keligeed ku ahayd ansixinta oo uusan la tartamin xildhibaankii kale ee doonayay kursiga.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo shir isugu yeeray dallada ururada bulshada rayidka ah, dalada qurbajoogta Puntland (PDF), hay’adda PDRC iyo xubno muhiim ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda rayidka ayaa ka codsaday baarlamanka in Xildhibaanad Nimco Cabdi Caarshe ay ku taageeraan in ay ka mid noqoto gudiga joogtada ah ee Baarlamanka.

Difaacaha Xuquuqda Aadnaha  Maxamed Yusuf oo dhiniciisa bidix ay fadhido Xildh. Nimco Kaarshe, Qareen Siciido Qancle iyo Cali Faarax Cali, dhinaca midigna ay ka fadhiyaan Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame iyo xubin ka tirsan PDF Safiyo Cabdulle oo saxaafada la hadlaya ayaa sawirka ka muuqda”

Shir jaraa’id oo dhinacyadaas ay qabteen Khamiis – Janaayo 17, 2019 ayaa Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali wuxuu ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh ee Puntland in ay cod buuxa siiyaan Xildh. Nimco Cabdi Caarshe si ay guddiga uga mid noqoto una hogaamiso guddiyada baarlamanka midkood.

Baarlamanka Puntland ayaa ka kooban 65 xildhibaan oo rag ah iyo xildhibaan Nimco Caarshe.

Doorashadii dhowayd beeluhu fursad ma siin dumarka si ay uga mid noqdaan golahan, ilaa lix gabdhood ayaa la xaqiijiyay in ay codsiyadooda u gudbiyeen guddigii ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Baarlamanka, waxaase jiray caqabado kale oo ku hareeraysnaa codsiyadooda.

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *